Guddiga Doorashada Galmudug oo ku Fashilmay dhaqan gelinta Jadwalkii doorashada

0

Jadwalkii ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ee la xiriiray hannaanka ay u dhaceyso doorashada ayaa dib u dhacyo badan hareeyay, iyadoo loo sababeynayo caqabado iyo khilaafaad ka taagan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug ayaa ku guuldareystay in jadwalkii uu soo bandhigay uu dhaqan gelin waayo, isla markaana ay aheyd in maanta oo ay diyaar noqdaan Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

Jadwalkii la soo bandhigay bishii hore ee November ayaa howlaha shaqo ee laga rabay Guddiga waxaa uu ahaa inta u dhaxeysa 25-28 November lagu xareeyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug, isla markaana laga bilaabo 29 November illaa 9 December la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale jadwalkii hore uu Guddiga u soo bandhigay ayaa dhigayay in 10 bisha December oo maanta ku beegan illaa 12 bishan lagu howlgeliyo Baarlamaanka cusub ee Galmudug, isla markaana fadhigii u horeeyay yeesho, si uu u doorto qofka ugu da’da weyn, kana shaqeeyo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo sida jadwalka ku qornaa ay aheyd in lagu diyaariyo 13-ka illaa 16 bishan December.

Waxaa kaloo Jadwalka ku qornaa in 17 bishan illaa 23 bishan December lagu diyaariyo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Illaa iyo hadda ma muuqato saan saan muujineysa in jadwalkii uu soo bandhigay Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug in lagu dhaqan geliyo, waxaana la is weydiinayaa mudada 20-ka cisho ee ka dhiman sanadka cusub ee 2020 in lagu qaban karo doorashada guud ee Maamulka Galmudug, sida Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.