AKHRISO:- Madasha Xisbiyada Qaran oo War kasoo saarey Colaada Mudug

0

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyo Dhowr ah ayaa waxaa ay baaq Nabadeed kasoo saareen colaadda u dhaxeysa labada beeleed ee ku dagaalamay deegaannada Towfiiq iyo Af-barwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.

Qoraal Madasha kasoo baxay oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ahyed ayaa waxaa looga codsaday maleeshiyaadka dagaalamaya inay si deg deg ah dagaalka ku joojiyaan.