AKHRISO:- Hoggaamiyaha Mayanmar Oo Maanta Hortageysa Maxkamadda ICJ

0

Hoggaamiyaha dalka Mayanmar Aung San Suu Kyi ayaa manta oo Talaado ah hortageysa xarunta maxkamadda cadaaladda (ICJ) ee Hague,iyadoo si weyn loo sugayo kiiska la xiriira xasuuqii ka dhacay dalka dalkaasi ee loo geystay dadka Muslimiinta ah ee Rohingya .

Haweeneydaasi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maalinimadii Axadii ee la soo dhaafay ka dagtay garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schiphol,waxaana la socday Wouter Jurgens, oo ah safiirka Holland ee Myanmar,

Xafiiska Aung San Suu Kyi ayaa bishii hore xaqiijiyay in ay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwadda maxkamadda ICJ eek u saabsan in ay xasuuq u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Rakhin,waxaana la socda koox difaacaya danaha dalkaasi.