AKHRISO:- -Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyey duleedka Jilib

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay tuulooyin hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 43 ee Xooga Dalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay ahaayeen kuwo ay uga hortagayeen kuna baadi goobayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Jilib,hayeeshee ay sheegeen in uu socon doono ilaa ay ka saaraan Al-Shabaab.

Si kastaba howlgalka Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Jilib ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM.