DHAGEYSO:-Wasiirada Amniga, Gaadiidka iyo Taliyaha Booliska oo hor-tagay Baarlamaanka

0

Waxaa Muqdisho ku soo dhamaaday kulankii gaarka ahaa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka su’aalaha ku weydiinayeen Wasiirada Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar)

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudeey, iyadoo ay soo xaadireen ilaa 120 Xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay su’aalo weydiiyeen Wasiiradan iyo Taliyaha Booliska, waxaana arrimaha ugu waa weyn ee wax laga weydiin doono ka mid ah dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka dhacay, gaar ahaan xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.