SAWIRRO:-Madaxweyne Waare oo tababar u furay dufcadii sedexaad ee Ciidanka Boliiska Hirshabelle

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Jowhar  tababar uga furay dufcadii sedexaad ee Ciidanka Boliiska Hirshabelle.

Waxaa tababarkaan ka fii’iidaysanayo in ka badan 200 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa ku booriyay dufcadaan inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa u adeega bulsahda.

Musaasabadda waxaa goob joog  ka ahaa  Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo labadiisa ku xigeen, Wasiirka Amniga Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabelle, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Hirshabelle, AMISOM, iyo marti sharaf kale.