AKHRISO:- Maamulla Puntland Oo Goordhow Digniin Soo Saaray

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin ku aadan Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in duufaanta ay ku dhufato inta u dhexaysa Xafuun ilaa Hobyo, iyadoona Xawaaraha dabayshu tahay 80-100 KM halkii saac.moon