Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

0

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa  kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha Maanta looga hadlayo kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee ku- noqoshada Miisaaniyadda sanadkan sii dhamaanaya eee 2019.

Xildhibaan ka tirsan Golaha ayaa u sheegay in xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka, isla markaana laga hadli doono Akhrinta 3aad ee ku- noqoshada Miisaaniyadda.

Kulanka ayaa saacadaha soo socda ka furmi doona Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu Shir Guddoomiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo laga doonayo inay meel-mariyaal, iyagoona kulma todobaadkii saddex maalin.