Haweeney u hanjabtay Ilhaan Cumar oo la ciqaabay

0

Shirkadda baraha bulshada ee Twiter ayaa xirtay akoonka ay barta twiter-ka ku laheyd haweeney lagu magacaabo Danielle Stella, oo katirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump.

Haweeneydan oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo ay u jeedisay.

Wargeyska The Washington post ee dalka Mareykanka oo soo wariyay xanibaada lagu sameeyay akoonka haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ayaa sheegay in Stella oo ciwaankeeda ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan, waxaana twiter-ka ay ku qortay: ” Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar, waa in la maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa”.

Waxaa kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo la daldalayo.

Waxaa maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaas la xiriira, Ilhaan ay beenisay eedeymahaas.

Wargeyska ayaa kusoo warramay in shirkadda Twiter-ka ay maalma kahor si toos ah u bannaday akoonkaas, iyadoona ku eedeysay Stela in ay ku xadgudubtay shuruucda u degsan.

The Washington post ayaa sidoo kale kusoo warramay in Facebook ay tirtirtay isla qoraalkaas ay Stela ku sheegtay in Ilhaan Cumar la daldalo.

Hasayeeshee go’aamadaas ay qaateen shirkadaha Facebook iyo Twiter ayaa waxaa kasoo horjeestay Stella.

“Xanibaada la saaray dedaaladeydii waxay muujineysaa in shirkadda Twiter ay marwalba dhinac istaagto oo ay u dagaalanto argagixisada iyo dadka wax basaasa,” ayay Stella u sheegtay wargeyska the Washington Post.

Qoraal kale oo ay Stela soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in marnaba aysan hanjabaad u jeedinin qofkale, waxaana ay sheegtay: ” hadalkeyga ayay ka dhigtay wax uusan ahayn, waxaadna u rogtay arrimo diin iyo midab”.

Ma ahan markii ugu horeesay oo ay haweeneydan ay weerarto Ilhaan Cumar, oo waxay ahayd horaantii sanadkan, xilligaas oo ay sheegtay in sharci darro ay tahay in xildhibaan Ilhaan ay ka talabixiso arrimaha muhaajiriinta.

Ilhaan Cumar oo culeyso siyaasadeed kala kulmeysay dadka taageera siyaasadaha Madaxaweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maalma kahor waxaa ay naxariis u muujisay nin horay ugu hanjabay in uu dili doona.

Ninkan oo lasoo taagay maxkamad ku taala Magaalada New York ee dalka Mareykanka, laguna magacaabo Patrick Carlenio ayaa horay baraha bulshada usoo dhigay hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono Ilhaan Cumar.

Hasayeeshee Ilhan Cumar ayaa garsooraha maxkamadda ka codsatay in loo naxariisto ninkan oo aan xukun dheer lagu xukumin