AKHRISO:- Weerar lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliland

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar Ciidamo ka amar qaata Korneyl Caare ay ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Soomaaliland ee Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Weerarka oo dhacay habeenimadii xalay aheyd ayaa waxaa la sheegay in uu sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac,kadib markii Saldhiga uu dagaal ku dhexmaray.

Anaga oo iska joogna ayaan waxaan maqalmay rasaas farabadan oo dhaceysa,waxaana naloo sheegay in Ciidada Korneyl Caare ay weerareen saldhiga Dhexe ee Magalada Ceerigaabo,khasaarana wuu jiraa balse ma ogin xaaladuna waa ay saakay degan tahay ayuu yiri”Qof ku sugan Magalada Ceerigaabo.

Ciidamada jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Siciid Cawil Jaamac ( Caare) oo kasoo horjeeda Soomaaliland ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin duleedka Mgalada Ceerigaabo,waxaana dhowr jeer fashilmay wada-hadallo la doonayay in lagula heshiisiiyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba weli Soomaaliland kama hadlin weerarka Ciidamada Korneyl Caare ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Soomaaliland ee Magaalada Ceerigaabo,waxaana la filayaa in Booliska Soomaaliland ay ka hadlaan saacadaha soo socda.