AKHRISO:- Dad Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Kaniisad Ku Taalla Burkina Faso

0

Ugu yaraan 14 qof ayaa maalintii Axadda ahayd lagu dilay Burkina Faso , kaddib markii ay rag xabado ku fureen dad ku cibaadaysanayay kaniisad.

Weli lama xaqiijinin sababta ay raggaasi u bartilmaamsadeen Kaniisadda.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dalka sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo badanaa ku dhinto weeraro ay dad xagjir ah ay soo qaadeen.

Bayaan ay soo saareen maamulka ayaa lagu xusay in dad badan ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Bishii October, ayaa weerar masaajid lagu qaaday waxa ku dhintay dad gaaraya 15 qof