Maxay ka wada hadleen Donald Yamamoto iyo Sheekh Shariif ?

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta Xarunta Safaaradda ee ku taala Xalane ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, iyadoo kulankan ay qeyb ka ahaayeen xubno ka mid ah Madasha.

Labada dhinac ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, doorashooyinka sanadka 2020 iyo arrimaha u baahan in la taaba geliyo.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in la isku raacay in dhammaad mucaaradka, dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada in laga wada shaqeeyo wanaaga Soomaaliya.

“Maanta Shariif Sheekh Axmed iyo Madasha Xisbiyada Qaran waxay la kulmeen Amb. Yamamoto, waxaa la isku raacay dhammaan Mucaaradka, dowladda oo ay ku jirto dowlad goboleedyada inay si wadajir uga wada shaqeeyaan wanaagga Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka

Amb. Donald Yamamoto ayaa sheegay in Mareykanka uu dhiira gelinayo sii wadida iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhammaan daneeyayaasha, si loo abuuro shuruudaha loogu tala galay doorashooyinka in waqtiga ugu haboon ku dhacaan si xor ah iyo cadaalad ah.

Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal la soo geliyay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka waxaa lagu sheegay inay ka wada hadleen sidii waqtiga kooban ee haray ugu qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waxaan ka wada hadalnay oon isla aqbalnay Amb Donald Yamamoto sida waqtiga kooban ee haray ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xor & xalaal ah, ayna ka heshiiyeen dhammaan saamileyda siyaasadda Dalka sida dowladda, maamulada iyo xisbiyada siyaasadda”ayaa lagu yiri Qoraalka la soo dhigay barta Twitter-ka ee Sheekh Shariif.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku bahoobeen illaa lix xisbi ayaa muddooyinkii u dambeeyay la soo baxay xeelad diblomaasiyadeed, iyagoo bilaabay in Safiirada ku sugan Muqdisho iyo kuwa deriska ah inay ka gadaan aragtidooda siyaasadeed iyo sidii dowladda Federaalka loogu cadaadin lahaa in doorasho ku qabato waqtigii loogu tala galay.