Itoobiya Oo Beenisay Inay Faragelin Ku Heyso Soomaaliya

0

Kadib bilo ka hor oo uu ku guuleystay abaal marinta caalamiga ah ee nabadda aduunka ra’iisul wasaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dowladdiisa waxay la dagaalameysa wararka ku saabsan faragalinta siyaasadda dalalka dariska.

Horaantii bishii November Qaramada Midoobay ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ku eedeysay in uu faragalin ku sameeyay heshiiskii nabadeynta ee dalka South Sudan, siyaabo kalana uu ugu lug yeeshay siyaasadda Soomaaliya.

Meles Ale Moo ah safiirka Itoobiya u fadhiya Nairobi ayaa sheegay in Dastuurka Itoobiya uusan ku jirin qodob ogolaanaya in madaxda dalka ay ku lug yeeshaan siyaasadda gudaha ee dalalka kale.

Sidoo kale QM ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya lagu eedeeyay in ay gudaha Soomaaliya soo galisay ciidamo aan qeyb ka aheen howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa tilmaamay in ciidamada milatariga Itoobiya ay ku qasbeen mas’uuliyiinta degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo in ay ka hor yimaadaan maamulkiisa.

Warka ka soo baxay dowaladda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli M/Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ay dhawaan gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dalkaasi.