DHAGEYSO:-Dowladda iyo Shabaab oo Guulo ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay Baardheere

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal Al-shabaab ay kula galayn agagaarka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka Tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadda Dowladda ay weerar ku qaadeen saldhig Shabaab ay ku sugnaayeen,islamarkaana khasaare kala duwan u geysteen.

Mohamed Ali Abdullahi, oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ee Baardheere waxa uu sheegay in Shabaab dagaalka loogu dilay lix askari,kuwa kalana looga dhaawacay.

“Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in Shabaab ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waannu ka racdeynay halkii ay Shacabka ku dhibaateynayeen, waxaanan halkaasi kaga dilnay Lix ,”ayuu yiri Taliyuhu.

Dhanka kale Al-shabaab oo ka hadlay weerarka ciidamadda Dowladda waxa ay sheegeen in ciidamo daacad u ah Ciidamadda Ethopia ay Degmada soo weerareen,balse la iska caabiyay,ayna doonayeen in ay dhacaan Xoolo dadka deegaanka lahaayeen.