DAAWO:-Sheikh Umal oo Nairobi uga Warbixiyey Wixii ka Qabsaday Muqdisho iyo Safarkii Baladwayne

0

Sheekh Maxamed Cabdi UMAL oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa  Sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, taasi oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo kadib markii ay Dood geliyeen Culimada Suufiyadda iyo dad kale oo Dana gaar ah leh.

Wuxuu sheegay inuu u baajiyey Muxaadarada inaan wax dhib ah kasoo gaadhin Dad Soomaaliyeed, Wuxuuna baaqashada muxaadardaas ay isku baheysteen una midoobeen Afar koox oo kala duwan.

” Soomaali Shiicawday, qolyo mawjadii kacdaba fuusha oo kursi ka dhex raadiya, daddana Alshabaab iyo Suufiyo isu yimid, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto.

Sheek Umal oo si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhex-galaan.

“Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, war siyaasiyoow muxaadaro la dhigayo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga tago.” Ayuu yidhi Sheekh Umal.

Gabagabadii Sheekh Umal ayaa ka sheekeeyay dhibaatada baraha bulshadu keeneen, iyo dadka badan ee Soomaaliyeed ee sida khaldan wixii lasoo geliyo u qaata, waxaana uu sheegay in dhowr waxyoobood oo dhacay mudadii uu joogay magaalada Muqdisho laga been sheegay.