AKHRISO:- Puntland oo dambiile u aqoonsaneysa cidda faquuqa dadka la nool Aids-ka

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay xuska maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan December, 01 sanad walba, waxaana laga xusaa maalintani adduunka oo dhan.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay xuska maalintani Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PAC, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha, shacabka caasimadda Garoowe, hay’addaha ka shaqeeya wacyi-gelinta Bulshada, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka D Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xuska maalintani, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu soo saaridoonto xeerka xanuunkani, waxaana uu Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo kamid ah ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkani u dalacsiiyey Gaashaanle.

“Maanta waa maalin weyn, waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo, micnaha in la weyneeyo maalintani waa in cid kasta oo la nool lasiiyo mooral, Isla markaana is daaweeyaan, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay, waxaan u mahadcelinayaa taliye Bashiir oo bulshadiisa wacyi-geliyey, qabtayna shaqadii hay’addaha u xilsaaraa arrintan, cudurka Alle ayaa keena si uun buuna ku yimaadaa, waxaa ceeb ah in la faquuqo walaalaheen, waa in la fahansiiyaa in cudurkani yahay wax sahlan oo la daawayn-karo”.