SAWIRRO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ee ka dhacay Addis Ababa

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka caadiga meertadiisa 47aad ee Golaha Wasiirada Urur goboleedka IGAD oo ka qabsoomay Magaalada Addis Ababa, lagagana hadlay nabadgelyada, siyaasadda iyo geedi socodka nabada ee Koofurta Suudaan.

Intii kulanka uu socday, Wasiir Cawad waxa uu kulamo docoleed la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Koofurta Suudaan, Marwo Awut Deng Acuil, iyo Xoghayaha sare ee Maamulka (Kaaliye wasiir) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya, Ababu Namwamba.

Qaar badan oo ka mid ah wadamada xubnaha ka ah IGAD ayaa qaba aragti ah in isbadal lagu sameeyo qaab dhismeedka ururka si hore loogu socdo si wax badan uga qabsoomaan xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

Shir madaxeedka 13aad ee Hoggaamiyeyaasha iyo Madaxda Dowladaha IGAD ayaa la filayaa in uu furmo maanta oo Jimce ah, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” uu ka jeedin doono khudbad uu diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan.