Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Gudoomiyaha cusub ee ONLF

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Magaaladda Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya kula kulmay Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Maadey iyo Xubno ka tirsan Xisbigiisa.

Qoraal kooban oo ka so baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay kulankaan oo lagu sheegay mid miro dhal ahaa “Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno kamid ah wafdigiisa kula kulmey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa ugu hambeeyay Mr Muuday xilka dhawaan loo doortay ee Gudoomiyaha Xisbiga Jahbaha ONLF oo dhawaan looga dhawaaqay dalka Itoobiya.

Warka ka soo baxay Madooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulan daarnaa is xogwaraysi siyaasada geeska Afrika,sidoo kalana kulanku ku soo dhamaaday is afgarad buux iyo isku wadida Umada Soomaaliyeed.

“Kulankan oo ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo doorashadii uu ka soo laabtay muran badan ka dhashay ayaa maalmahaan ku sugan Nairobi halkaas oo kula Kulmay siyaasiyiin ay ka midyihiin Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe.