Sheekh Shariif oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna  Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo safarkiisa ay ku wehelinayeen  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Geelle iyagoo ka wadahadlay doorashooyinka lagu waddo in ay ka dhacaan dalka Soomaaliya Sanadka 2021-ka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbiga.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Jabuuti Geelle  aragtida Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021.