DHAGEYSO:-Hoggaanka Ahlu Sunna Oo Shir Xasaasi Ah Yeeshay & Wararkii Ugu danbeeye

0

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhawaaqay in ay dacwad kale ka gudbinayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay xadgudub ka waddo degaannada Galmudug.

Kulan hoggaanka Ahu Sunna ay xalay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayay kaga arrinsadeen waxa ay ka yeelayaan dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug ee ay dowladda Federaalka ah la gaar noqotay hadda.

Hoggaanka Ahlu Sunna aya aisku raacay qodobada soo socda;
1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Guddiga doorashada Galmudug ee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay soo saaray jadwalka doorashada Maamulkaas iyaga oo sheegay in xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka iyo Madaxweynaha ay dhaceyso Bisha December.