Ciidanka Burundi oo billaabay in ay ka baxaan Soomaaliya

0

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Burundi ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Burundi ee ku jira AMISOM ay billaabeen in ay dalka ka baxaan si tartiib tartiib ah.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay isaga oo ku dooday in aan loo ogoleyn ka hadalka Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi ay bllaabeen in ay ka baxaan Soomaaliya.

200 Askari oo ka mid ah kunka Askari ayuu sheegay in Talaadadii shalay ay diyaarad ka qaadday Muqdisho kana dejisay Caasimadda Burundi ee Bujumbura.

Sarkaalka oo la hadlay stockdailydish.com, ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay boqolaal ka mid ah Ciidanka Burundi ka bixi doonaan Soomaaliya kuwaas oo hadda qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Dowladda Burundi aya dhowr jeer ka biya diidday bixitaanka Ciidankeeda iyada oo ku doodday in aan Soomaaliya laga saarin Ciidamada waddamada kale ee qeybta ka ah howlgallka sida Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

AMISOM ayaa dejisay istiraatiijiyad ay kaga baxeyso Soomaaliya waxaana qorshaheeda ku xusan in 31da December 2021ka ay Ciidamada AMISOM ka bixi doonaan Soomaaliya iyada oo inta ka horreysa amaanka dalka lagu wareejinayo Ciidamada dowladda Soomaaliya.