Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay Ugaarsato ajaanib ah

0

Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay sagaal nin oo ugaarsato ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay s sharci darro ah u ugaarsanayeen duur joogta Somaliland.

Raggan oo u dhashay Waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa iyaga oo isku dayay in ay halkaas ka dhoofaan dibna ugu laabtaan dalkooda.

Naasir Xuseen oo ah Agaasimaha duurjoogta wasaaradda degaanka Somaliland ayaa sheegay in raggaasi u dhashay Imaaraadka ay maxkamad u gudbinayaan lagulana xisaabtamayo ugaarsiga sharci darrada ah ee ay ka wadeen degaannadooda.

Raggan ayaa xilliyadii la soo dhaafay ku sugnaa degaanka Sabo wanaag oo ka tirsan Hargeysa halkaas oo ay markii hore ku tageen in ay ka fulinayaan mashaariic hayeeshee dadka degaanka arkeen iyaga oo ugaarsi ku jira.

Somaliland ayaa dhowr jeer xabsiga dhigtay dad Soomaali iyo ajannabi isugu jiray kuwaas oo lagu qabtay iyaga oo isku dayaya in ay dhoofiyaan Shabeel iyo duurjoogta kaleba.