Ammaanka Degmada Dhuusamareeb Oo Si Weyn Loo Adkeeyey

0

Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u xoojiyey amniga magaalada Dhuusamameeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ciidamada isku dhafka oo howlgallo cusub bilaabay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay u diyaar garoobeen howlaha doorashooyinka ee la filayo in dhowaan lagu qabto halkaasi.

Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb ka socda kulamo iska so horjeedo oo looga arrinsanayo xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi.