AKHRISO:- Meydka gabar 15-Jir ah oo laga soo saaray dhismo kusoo dumay

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta markale booqday dhismaha qadiimiga ah ah ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere halkaas oo uu xalay Guri kusoo dumay dhismahaas.

Waaxda gurmadka deg dega ee Maamulka gobolka Banadir ayaa Maanta dhismaha Guriga soo dumay waxaa ay kasoo saareen meydka gabar 15-Jir ah oo uu kusoo dumay dhismahaasi.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan dhismooyinka qadiimiga ah si aysan u dhicin khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Xalay ayay sidoo kale aheyd markii laba qof ay qaadeen roobkii daadadka watay ee ka da’ay Gudaha Magaalada muqdisho ay ku dhinteen Xaafada laami yaraha soobe ee Buulo xuubey degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.