AKHRISO:- Maamulka Hogaamiye Axmed Madoobe oo olole talalka ka bilaabay degaanada Jubbaland

0

Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Gobaledka Jubbaland Ayaa waxa ay Deeganada Jubbaland ka bilowday Olalaha Talaalka ama ka hortaga cudurda caruurta gaar ahaan jadeecada .

Olalahan Talaalka jadeecada ayaa waxaa la gaarsiin doonaa dhamaan deegaanada jubbaland iyago guri guri loo mari doono si loo hubiyo Talaalka caruurta .

Hodan Muuse Maxamed Madaxa wacyigalinta Wasaarada Caafimadka ayaa baaq u dirtay waalidiinta caruurta dhalay inay ka faaiideystaan Talaalka una fududeeyaan howlwadeenada ka shaqeynayo barnaamijka.