AKHRISO:- Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Sanaag

0

Wararka laga helayo deegaanka Waqadariya oo dhinaca Waqooyi Beri ka xiga magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka oo u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,waxaana wararka sheegayaan in maleeshiyaadka ay isku qabsadeen Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weli mararka qaar deegaanka Waqadariya laga maqlayo rasaas ay isku ridayaan labada dhinac,waxaana deegaankaas la sheegay in uu can ku yahay macdanta iyo Dahabka oo dad is aruursaday ay gurtaan.

Dagaalka maleeshiyaadka Maanta ku dhexmaray deegaano hoostaga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag weli wax war ah kama soo saarin Soomaaliland.