SAWIRRO:-Madaxweyne ku-xigeenka, Ahna kusimaha Madaxweynaha oo Daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Jinsiga

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, kaasoo muddo 16 cisho ah wacyigelintiisa lagu gaarsiin doono dhammaan gobolada Puntland.

Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ku weheliyey Labada Gole ee Dowladda sida Wasaaaraddaha Cadaaladda , Caafimaadka, Deegaanka iyo Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Haweenka iyo xuquuqul aadanaha, Ururada Haweenka Puntland iyo marti sharafkale.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska iyo hayádaha kala shaqeeynaya wacyigelinta ku saabsan sidii looga hortegi laha tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wuxuu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash sheegay in Haweenku kaalin muhim ah kaga jiraan Bulshada, ayna Dowladdu ay kala shaqeynayso cidkastoo ku shaqo leh, sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada dumarku la kulmaan.

Ololaha 16-ka maalmood socon doona oo maanta ka bilowmay Puntland, waxaa Bulshada qeybaheeda kala duwan looga wacygelinayaa sidii meel looga soo wadajeesanlahaa tacaddiyada dumarku la kulmaan, maalmaha waxaa ku jiro kuwo mid walbo u asteeysantahay arrin gaar ah sida, dilka, kufsiga , gudniinka waxyeelada geysta iyo wixii la mid ah.