Sawiro:- Bulshada degmadda Luuq oo la qabtay Barnaamij Wacyigalin ah

0

Barnaamij wacyi galin bulsho ah oo loo samaynayo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa maanta laga daahfuray dagmada Luuq.

Barnaamijkan waxaa daah furay madaxa mashaaricda iyo xiriiirka hay’adaha dagmada Luuq wuxuuna dawlad goboledka Jubaland iyo dawlada federaalka uga mahad celiyay hirgalinta mashaariicda horumarineed ee ka socda dagmadaas.

Barnaamijkan waxaa sidoo kale lagaga dooday sidii bulshadu ay u muujin lahayd lahaanshaha mashaaricda kala duwan ee ka socda degmada sida garoonka diyaaradaha dagmada Luuq, dhismaha guriga haweenka dagmada iyo xafiiska dowladaha hoose kuwaas oo ay fulinayaan dawlada Federalka Somaliya iyo dawlad goboledka Jubaland oo kaashanaya Midawga Yurub.