DHAGEYSO:-Madasha Xisbiyada Qaran oo war ka soo saaray Xadgubyo Ciidamada Itoobiya ka wado Gobolka Gedo

0

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xadgudubyo ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-xaawo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka jirtay dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay Gobolka Gedo ka geysanayaan afduub, cagajugleyn iyo xarig Madaxdii maamulada degmooyinka Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulankii Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran Arbacadii la soo dhaafay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha Jubbaland iyo Gedo, isla markaana Madaxweynaha uu ka gaabiyay mas’uuliyaddii loo igmaday, taasoo bilow u ah inuu ka baxayo qodobadii madasha ay ka wada hadleen qaar ka mid ah.

Dhanka kale senator axmed macalin cumar nadiir oo laga soo doorto jubbaland ayaa ka horyimid warsaxafeedka ka soo baxay xisbiyada siyaasadeed ee dalka