DHAGEYSO:-Ciidamada booliska iyo koox burcad oo ku dagaalamay Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo koox Burcad ah ayaa xalay waxaa ay  ku dagaalameen  Xaafada Gubta  Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira  dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in burcad hubeysan ay dhac ka geysanayeen degmada Deyniile, islamarkaana dadka deegaanka ay durbadiiba la hadleen ciidamada booliska, iyadoona kadib halkaasi ay soo gaareen ciidamada, kadibna uu goobta dagaal ku dhex maro ciidamada booliska iyo kooxda burcada ah.