DAAWO:- Murankii Hargeisa oo lagu kala adkaaday iyo Gudigii Doorashada oo la dhaariyey

0

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland  Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweyne Muuse Biixi hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka ee dhawaan la dhisay, Kuwaasi oo Dood adag ay ka taagnayd Maalmihii lasoo dhaafay.

Xubnahan cusub ee guddiga doorashooyinka oo dhawaan ay ansixiyeen golaha baarlamanka Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.