DAAWO:-Maxkamadda sare oo mar kale u fariisatay dhageysiga dacwada Xisbiga Himilo Qaran

0

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta oo Isniin ah mar kale u fariisatay dhageysiga dacwada u dhaxeysa Xisbiga Himilo Qaran iyo Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya, iyadoo ay socoto dood adag oo u dhaxeysa Qareenada u doodaya labada dhinac.

Dhageysiga dacwada Xisbiga oo bilaabatay todobaadkii hore ayaa ku bilaabatay in la dhageysto qarreenada labada dhinac u doodaya, iyadoo si rasmi ah loo furay gal dacwadeedka uu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa 6-dii bishii October u gudbiyay Maxkamadda sare dacwad ka dhan ah Hey’adda Duulista Hawada, taasoo ku aadan tallaabadii lagu xayiray socdaalkii Sheekh Shariif ku tagi lahaa Kismaayo.

Garyaqaanka dowladda ayaa sheegay in dacwada Xisbiga Himilo Qaran soo gudbiyeen ay tahay fowdo sharci ah, isagoo ka dalbaday inay dacwada la noqdaan, hase ahaatee qareenada u doodaya Xisbiga Himilo Qaran ayaa si kulul uga jawaabay dalabkaas, iyagoo dalbaday in laga saaro maxkamadda.

Dooda ayaa weli socota, waxaana si toos ah looga daawanayaa Telefishinka Qaranka iyo baraha bulshada, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka yihiin dad kala duwan oo ka socda Xisbiga iyo hey’adda duulista.

DHAGEYSIGA KIISKA DACWADDA XISBIGA HIMILO QARAN EE MAXKAMADDA SARE

Slået op af Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed i Mandag den 25. november 2019