DAAWO:-Cali Maxamed Geedi “Farmaajo iyo Khayre Dalka malaha”

0

Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed ee uu Hogaamiyo Cali Maxamed Geedi ayaa kusoo biiray Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka, Wuxuuna Halkaasi halkaasi soo gaadhsiiyey Agab kala duwan oo dhisamaha ay uga qayb galayaan.

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Xisbiyadda kale looga baahan yahay inay ka qayb galaan dhisamaha dalka, oo Kursi keliya aan lagu Mashquulin.

“Xisbiyadda Siyaasadda ee Saaxiibaday waxaan leeyahay  Farmaajo  Dalka maleh,  Khayre dalka Malaha, Balse Golleyaasha Qaranka ayay Adeege u yihiin, Soomaalidu inay Siyaasad ka dhigato in Kursi uun  in Qof laga rito,  waa Curyaamin iyo Ayaan darro iyo Isbaaro loo dhigayo Horumarka Qaranka,  Inta dhiman waxaan ku Casuumaynaa inay kasoo qayb galaan inta ay howshu socoto” Ayuu yidhi Cali Geedi.

Madxafka Qaranka, Tiyaatarka iyo Maktabada Qaranka ayaa dhisamhoodu uu marayaa meel Gabagabo ah, Waxaana Bilaabay Barnaamijka IS XILQAAN ee dib loogu dhisayo Madaxwayne Farmaajo.