AKHRISO:- Wasiir Maareeye Iyo Wafdi Uu Horkacyo Oo U Dhoofay Talyaaniga Iyo Ujeedkooda

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska, kaasi oo mudo labo maalin ah socon doona.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo oo qoto dheer.