AKHRISO:- Qof ku dhintay Roob daadad watay oo ka da’ay Garbahaareey

0

Hal qof ayaa geeriyooday laba kalena xaaladooda caafimaad ayaa aad u liidato,kadib markii uu la tegay Toga ama Dooxa dhexmaro xaafado katirsan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo markii halkaasi uu roob ka da’ay.

Qofka dhintay oo rag ahaa iyo labada kale ee xaaladooda liidato oo la soo badbaadiyey ayaa waxaa ay kamid ahaayeen Barakacayaasha ku nool Xaafada Towfiiq oo kamid ah Xaafadaha degmadaasi Garbahaareey.

Toga ama Dooxada Xaafada Towfiiq ee degmada Garabahareey ayaa waxaa dhibaato xoogan ku qaba dadka degan Xaafadaha Warsan & Towfiiq ee degmada Garbahaareey,waxaana ugu daran markii la gaaro xilli roobaadka oo ay ku waxyeeloobaan dad farabadan sidoo kalena ay go’doomaan.

Qaar kamid ah dadka ku Garbahaareey ee gurmadka u sameeyey dadka laga soo badbaadiyey Toga ay galeen Biyaha roobka ayaa waxaa ay sheegeen inay togaasi ku qabaan dhibatooyin kala duwan,isaga oo ah mid kala qeybiya xaafadaha kala duwan ee degmada Garbahaareey.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in togaasi ay uga dhisaan Buundo si dadka ay uga badbaadaan dhibaatada ay sanad kasta markii uu roobka da’o kasoo gaarto.