AKHRISO:- Maxaa looga hadlay kulanka Maanta ee Aqalka Sare

0

Golaha Aqalka Sare ayaa yeeshay xarunta Aqalka Sare kalfadhiga 6aad Kulankiisa 16 aad oo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Mowlid Xuseen Guhaad,waxaana Ajendaha Kulanka uu ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Kulanka Golaha waxaa marti ku ahaa xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda ee XFS Mudane Prof..Abdullahi Sheikh Ali ,Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye),Bangiga dhexe,
Wasiirka ayaa ka jawaabay sualaha ay weeydiyeen Senatarada.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.