AKHRISO:- kulan loga hadlayey dagaalka ka dhanka ah shabaab oo Muqdisho ka dhacay

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa kulan looga Hadlayay Dardar-galinta Howlaha Ciidanka Xoogga Ee Gobalada Somaliya la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Saraakiisha uu kulanka la qaatay Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Janeraal Maxamed Cali Bariise iyo Xubno kale oo ka socday Talisyada kala duwan ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.”Labadii Sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn ayay gaareen Ciidanka Xoogga , DFS waxay u Howlgashay Deegaanadii Ciidamada ay la wareegeen in Adeegyada asaasiga ah aan gaarsiino “ayuu yiri Wasiir amar-dambe

Dowladda ayaa horay waxaa ay u sheegtay in la dardar-gelinayo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada howlgallo ay sameeyeen ay kula wareegeen degmooyin ay kamid tahay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.