AKHRISO:- Kalluumeysato Soomaali ah oo ka cabanaya Doomo wata ilaalo hubeysan

0

Kalluumeysatada ka jilaabta deegaano ka tirsan Xeebaha deegaanka Bandar-Beyla ee Gobolka Karkaar Puntland iyo tuulooyin hoostaga ayaa waxaa ay ka cabanayaan Doomo ay wataan dad hubeyssan oo xaaluf ba’an ku haayo Xeebaha deegaankaas.

Kalluumeysata qaarkood oo ku nool deegaannada Kulule iyo Durdura ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen inay arkeen doomo kalluumaysi oo wata hub farabadan, kuwaasi oo jariifaya Kalluunka noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha degmada Bander-Beyla ee gobolka Karkaar, Siciid Aadan Cali (Anteeno) ayaa sheegay.in doomahaas ay wataan Soomaali kale,isla markaana u diidaya in kalluumeysatada kale la jilaabtaan Xeebaha deegaanka Bandar-Beyla iyo deegaannada kale ee ku dhow dhow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in horay uu u soo saarey wareegto uu ku joojinayo kalluumeysiga Sharci darrada ah taasina la jebiyey,hayeeshee hadda uu qorshohooda uu yahay inay Badda Ciidamo geeyaan,iyaga oo la tashanaya Madaxda Puntland.