Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay 6-xisbi

0

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa shahaadooyinka KMG ah magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay 6 xisbi siyaasadeed oo doonaya in ay ka qeyb-galka doorashooyinka soo socda.

Xisbiyada KMG ah ee shahaadooyinka la siiyay maanta ayaa kala ahaa.
1-Xisbiga qaran,

2-Xisbiga hor-u socodka shaqaalaha,
3-Xisbiga dhaq dhaqaaqa,
4-Xisbiga Saanuu,
5-Xisbiga midnimada,
6-Hoggaan qaran.

Tirada guud ee xisbiyada siyaasadeed ee sida KMG ah uga diiwaan gashan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa xilligaan gaaraya 63 xisbi.