DHAGEYSO+SAWIRRO:-Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir oo Shir Xasasi ah ku yeeshay Maraykanka

0

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa kulan ku yeeshay Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir ee Halkaasi ku dhaqan, waxaana kulanka looga hadlay Arimo Xasasi ah oo khuseeya Masiirka Labada dhinac.

Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir ayaa diirada ku saarya Shirkooda Sidii loo Dardar gelin lahaa maamul ay Yeeshaan Labada dhinac, Kaasi oo si rasmi ah uga howl geli doona Gobolada Sool, Sanaag iyo cayn.

Waxay sheegeen inaan la Aqbali doonin in labada deegaan ay Noqdaan mid ay isku haystaan Puntland iyo Somaliland, Islamarkaana deegaanu uusan Noqon mid la isku hayso.

Rashiid Diiriye Faarax ayaa ka hadlay Arimaha looga hadlay Shirka ka Qabsoomay Minnesota.