AKHRISO:-Turkiga oo sheegay in 250 Tan uu ka qeybiyay gudaha Soomaaliya

0

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tan iyo billowgii Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle uu dalka ka qeybiyay 250 Tan oo gargaar ah sida lagu sheegay warbixin dowladdu u qeybisay Warbaahinta Turkiga.

Hay’adaha gargaarka Turkiga ee kala ah  (AFAD), Bisha cas ee Turkiga iyo  Diyanet, ayaa sheegay in ay qeybiyeen 250 tan oo samafal ah una qeybiyeen dadka waxyeellada ka soo gaartay fatahaadaha Soomaaliya.

Warbixinta Dowladda Turkiga waxaa lagu sheegay gargaarka dowladda Turkiga ay ka faa’ideysteen 35,000 qof oo Soomaali ah.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in Turkiga uu waligiiba garabtaagnaa Soomaaliya siina garabtaagnaan doono.