AKHRISO:- Golaha Wakiilada Somaliland Oo Muddo Kordhin Cusub Loo Sameeyay

0

Magaalada Hargeysa ayaa Maanta oo Axad ah waxaa kulan ku yeeshay Golaha guurtida ee Somaliland, iyagoona muddo kordhin Cusub u sameeyay Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha guurtida ayaa warbixin ka horjeediyay Golaha Wakiilada Somliland, taasi oo ku aadan mudda kordhinta loo sameeynayo Golaha wakiilada.

Intasi kadib Golaha Guurtida Somaliland ayaa Muddo Kordhin 2 sanno ah u sameeyey Xildhibannada Golaha wakiillada maamulkaas, isla markaana waxaa lagu ansixiyay Cod gacan taag ah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 71 Xildhibaan, waxaana ogolaatay in Golaha Wakiilada muddo kordhin laba sanno ah loo sameeyo 70 Mudane.

Waa markii lixaad ee muddo kordhin loo sameeyay Golahan Wakiiladda Somaliland