WAR DEG DEG AH:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Oo Qarax Lagula Eegtay Sh/Hoose

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi.

Ugu yaraan illaa afar askari oo la socotay gaariga lala eegtay qaraxa ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi.