SAWIRO:-DFS Iyo Xubno Ka Tirsan M/Goboleedyada Oo Shir Uga Furmay Uganda

0

Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda ayaa waxaa ka furmay Shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ee faa’iidaystaan.