Mooshin Xil Ka Qaadis ah oo Laga Keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle

0

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa Mooshin xil ka qaadis ah ka diyaariyay Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Shiikh Cusmaan Barre.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa Gudoomiyaha ku eedeynaya in uu fadhiid ka dhigay Baarlamaanka Hir-shabeelle,islamarkaana uu Magaaladda Muqdisho saldhig ka dhigtay.

Waxa ay sheegeen in Xaruntii baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ee Magaalada Jowhar aysan wax shaqo ah ka soconin,taasina ay keentay In Mooshin ka diyaariyaan.

Dhanka kale Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo kamid ah Xildhibaanadda Hir-shabeelle ayaa sharcidaro ku tilmaamay Mooshinka laga wado Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.