DHAGEYSO:-Hogaamiye ku xigeenka Jubbaland oo la Hadlay saraakiil Itoobiyaan Ah

0

Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa telefoonka kula hadlay saraakiil Itoobiyaan ah.

Maxamuud Sayid Aadan  ayaa la sheegayaa in la waydiistay in uu isku soo dhiibay si ay ugu gudbiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Maxamuud Sayid Aadan uu si cad ugu gacan-seyray codsigaas uga yimid ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

Mas’uulkan ayaa wuxuu haatan ku xayiran yahay xadka Soomaaliya iyo Kenya markii laga hor istaagay in uu gudaha u galo magaalada Beledxaawo.