DHAGEYSO:-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Dhaliilihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Hogaamiye Muuse Biixi

0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa rajo xumo ka muujiyay in guul laga gaaro khilaafka ka dhashay Guddiga doorashooyinka ee u dhaxeeya Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda Kulmiye.

Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa maanta ayaa sheegay in Guddigoodii isu xilqaamay in xaaladda la dajiyo ay ka quusteen Muuse Biixi islamarkaana howshii ay ku wareejiyeen Ganacsato.

Waxaa uu Mr Waraabe sheegay in labadii Sano ee ugu dambeeyay uu Muuse Biixi ula dhaqmayay si odaytanimo ah islamarkaana isku dayay in uu tala siiyo.

“Waa ay iiga dhamaatay Muuse, anigu madaxa ayaan ka dhunkaday, aabahay kama dhunkan wali, rajo badan kama qabo in wadahadalkaa wax ka soo bixi doonaan, Muuse waa madax adagyahay” ayuu yiri Faysal oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe ayaa ku gooddiyay in haddii ay doorashada waqtigeeda ku dhici weyso laga tashanayo Muuse Biixi,waxaanu intaas ku daray in Guddiga doorashada iyo Kursiga Muuse Biixi isku xiranyihiin.