DHAGEYSO:-Deni Oo Ka Hadlay Weerarkii Xukuumadiisa ku Qaaday Xarunta Baarlamaanka

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Xukuumadiisa ku qaaday Xarunta baarlamaanka Puntland.

Deni ayaa qado sharaf u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Puntland,islamarkaana kulamo la isugu imaan doono.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyay sidii Puntland kaga duwanaan laheyd Soomaaliya inteeda kale.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Deni Ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo.