Akhriso:-Banaanbax Cabasho Ah Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ee ka shaqeysa Waddooyinka ku yaalla Caasimada.

Gaadiidleyda BL-ka ayaa banaanbaxa ay dhigayaan waxaa ay uga Cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, taasi oo markii la xiray Waddooyinka laga joojiyay.

Sidoo kale Banaanbaxan ayaa si gaar ah uga socda Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay Dalsan u sheegeen in gaadiidleyda ay yihiin kuwo aad u careysan.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ayaa tilmaamay inay cabasho u gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska, hayeeshee arrintaas aysan wax Jawaabin ah ka helin Cabashadii ay gudbiyeen