Wasiir Beyle oo shir caalami ah uga qaybgalaya dalka Uganda

0

Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa ka furmay shir diirada lagu saarayo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dayn Cafinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa dawladda Soomaaliya waxaa uga qayb galay oo ku matalaya, wasiirka wasaaradda maaliyadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka ayaa shirkan waxaa ku wehlinaya qaar ka tirsan wasiirrada dawlad goboleedyada dalka ka jira iyo maamulka gobolka Banaadir oo uu matalayo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Mahad-Alle.

Shirkan ayaa wajigiisa hore waxa uu ka dhacay magaalada Adis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, iyadoona kan hadda socda uu yahay wajigiisa labaad ee lagu qabanayo magaalada Kampala ee dalka Uganda .